Ciidamada Isreal oo wariyayaal BBC ka tirsan ku qabtay qori caaradii

Feras Kilani
Qoraalka sawirka, Feras Kilani

Sagaalka bishii May, Feras Kilani waxa uu qeyb ka ahaa koox wariyayaal oo ka tirsan laanta Carabiga kuwaas oo ka baxay magaalada Dimishiiq ee caasimada Suurirya, waxayna aadeen gobolka koonfureed ee Deraa.

Kooxda uu la socday Feras waxay doonayeen in aadaan safka hore dhulka Israel ay haysato ee buuraleyda Golan. Waxay kaloo doonayeen in ay ku dhawaadaan dhulka Suuriya ee militeriga Israel haysteen ilaa iyo bishii desember taas oo raysalwasaaraha Israel sheegay in ay ka dhigayaan aag militeriga ka caagan kaddib markii xukunka laga tuuray Assad.

"Waxaan aheyn koox toddobo ka koobneyd, aniga oo haysta dhalashada Britian, labo Ciraaq u dhalatay oo BBC shaqaale ka ah iyo afar Suuriyaan ah iyo filim-qaade" ayuu yiri Feras.

Waxaan muuqaallo ka duubeeynay saldhiga ciidamada kormeerayaasha Qaramada Midoobay (UNDOF) taas oo u dhaweyd al-Rafeed ayuu yiri Feras. Sarkaal ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa u sheegay in Israel ay weydiiyeen cidda ay yihiin kooxdan, waxaana u sheegnay ayuu yiri in aad tihiin shaqaale ka tirsan BBC-da.

Wariyayaasha ayaa kaddib aaday magaalada Quneydarah taas oo ku taal gudaha halka ciidamada isku horfadhiyeen ilaa iyo 1974-tii.

Meel labo boqol oo mitir u jirta magaalada waxaa taalay jidgooyo aan cidi taagneyd. Waxaa dhinac ka taagnaa jidgooyada taangiga Merkava oo calanka Israel sitay.

Meel aan ka fogeyn jidgooyada waxaa naga daawanayay labo askari. Mid ka mid ah wuxuu isticmaalayay toorbin, saaxiibadey waxaa xirnaayeen kaarka aqoonsiga ee BBC si loo arko.

BBC-d wixii dhacay waxay kaga cabatay militeriga Israel balse wax jawaab ah weli kama helin.

xadka

Xigashada Sawirka, AFP

Daqiiqad kaddib markii ay duubista bilaabatay, waxaa noo soo dhawaaday gaari cad oo ka yimid dhinaca kale ee jidgooyada. Waxaa ka soo degay afar askari oo Israeliyiin ah kaddibna way na hareereeyeen. Qoryahooda ayey madaxa nooga qabteen iyagoo nagu amray in aan kaamerada dhigno wadada dhinaceeda. Waxaan isku dayay in aan u sharaxo in aan nahay wariyayaal ka tirsan BBC balse si degdeg ah ayey arrinta uga sii dartay.

Waxaa ii suuragashay in aan fariin u soo diro saaxiibadey shaqada London si aan ugu sheego in militeriga Israel ay na joojiyeen ka hor inta aysan taleefoonada iyo qalabka naga qaadan. Askar badan ayaa timid goobta, waxayna meel kasta ka baareen gaarigeena.

Ciidamada waxay na keeneen jidgooyada magaalada Quneydarah, waxayna joogsadeen halka kala qeybisa Quneydarah iyo buuraleyda Golan. Kaddib ciidamada waxay bilaabeen in ay daawadan muuqaalada intii aan gaariga ku jirnay. Mid ka mid ah askarta ayaa meel geeska isna la taagnaa qori uu nagu soo fiiqayay.

Kaddib labo saacadood, mid ka mid ah askarta ayaa igu yiri ka soo bax gaariga oo ku hadal taleefoonkan.

Ma garaneyn cidda uu ahaa qofka ila hadlayay balse luuqadiisa Carabiga waxay aheyd mid jajaban. Wuxuu i weydiiyay sababta aan muuqaalada uga duubeynay fariisimaha militeriga Israel. Waxaan u sheegay in aan nahay wariyayaal ka socda BBC, waxaana u sharaxay waxa ay shaqadeenu tahay. Markii aan gaariga ku soo laabtay weli sidi ayaa qoriga madaxa la iiga hayay.

Saacad kale oo meesha aan joognay kaddib waxaa yimid gaari kale. Waxaa la socday koox ciidamada ammaanka oo watay maryo wajiga noolaga xirayo iyo xarkaha caaga ee gacmaha looga xiro dadka, waxy noo sheegeen in aan ka soo degno gawaarida.

Sarkaalkii hoggaaminayay waxa uu ku hadlayay Carabi lahjada Falastiin oo fasiix ah, waxa uu i geeyay mid ka mid ah qolalka kuwaas oo hore ciidamada Suuriya u isticmaali jireen. Wuxuu ii sheegay in si ka duwan shaqaalihii ila socday la iila dhaqmayo oo aan la iga xireyn gacmaha, indhahana la iigadabooleyn.

Waa naxay, waxaan weydiiyay sababta ay sidan u sameynayaan iyagoo og in aan BBC u shaqeynayo. Wuxuu sheegay in uu doonayo in uu naga caawiyo sidi iaan degdeg ugu bixi laheyn.

marada indhaha looga xiray

Daqiiqado kaddib sarkaal kale ayaa qolka soo galay oo ii sheegay in aan bixiyo dharkeyga oo dhan marka laga reebo kuwa aan hoos ka watay. Ugu horeyn waan diiday balse wey ku adkeysteen kadidbna waan sameeyay.

Meel kasta ayuu iga baaray, wuxuu baaray dharkeyga kaddibna wuxuu ii sheegay in aan dib u xirto. Kaddib wuxuu bilaabay in uu i weydiiyo su'aalo ku saaban carruurteyda iyo da'dooda.

Ugu dambeyn way isii daayeen. Waxaan goob joog u ahaa sida aadka u xun ay ula dhaqmeen shaqaalihii kale. Waxaan ka codsaday in ay sii daayaan, wuxuuna ii ballanqaaday in uu sidaa yeelayo kaddib markuu su'aalo i weydiiyo. Mid mid ayey qolka ula galeen si ay dharka uga bixiyaan kaddibna su'aalo u weydiiyaan.

Labo saacadood ayaa la wareysanayay kaddibna way soo laabteen iyagoo gacmaha ka xiran, indhahana ka daboolan. Waxaa la baaray taleefoonada iyo wax kasta oo qalab ah ay wateen, waxaana la tirtiray xogtii ugu jirtay.

Sarkaalka wuxuu noogu hanjabay in cawaaqib aad u xun aan la kulmeyno hadii aan ku soo laabano xadka dhinaca Suuriya. Wuxuu noo sheegay in ay la socdaan wax kasta oo nagu saabsan, uuna na soo dabageli doono hadii wax sawir ah oo qarsoon la daabaco.

Toddobo saacadood kaddib, marka saacadu gaartay sagaalkii habeenimo ayey na keeneen meel u jirta 2 kilimotir magaalada iyagoo bac ku riday qalabkeena una soo tuuray dhinaceena. Mugdiga ayaan ku lunay, angoon ogeyn meel aan u socono maadama mugdi ay aheyd internetna uusan shaqeyneyn. Koox ciyaal ah ayaa noo tilmaamay wadada weyn, waxayna nooga digeen hadii aan qaldano in Israel ay rasaas nagu soo rideyso. 10 daqiiqo kaddib waxaan helnay jidkeena. 45 daqiiqo kaddib waxaan nimid magaalada Dimishiiq.