Israa'iil oo weerar culus ku qaaday caasimadda Lubnaan ee Beyruut

weerar Beyruut

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Weerar ayaa ka dhacay Beyruut

Israa'iil ayaa dhowr duqeymo cirka ah ku qaadday xaafadaha koonfureed ee Beyruut gelinkii dambe ee Khamiistii shalay, waana markii afraad tan iyo markii xabbad-joojin looga dhawaaqay Lubnaan iyo Israa'iil bishii November ee la soo dhaafay.

Milatariga Israa'iil ayaa sheegay in ay aqoonsadeen cutub ka tirsan ururka Xisbullah oo soo saara kumannaan diyaaradood oo aan duuliye lahayn, kuwaas oo maalgelin ka helaya Iran, sida lagu sheegay bayaan.

Duqeymahan oo dhacay bilaabashada Ciidul Adxaa ayaa waxaa ka horeeyay digniino ay Israa'iil u jeedisay dhowr magaalo oo ku yaalla duleedka koonfureed ee Beyruut.

Afhayeenka milatariga Israa'iil Avichay Adraee ayaa ugu baaqay dadka deggan xaafadaha Hadath, Haret Hreik, iyo Burj al-Barajneh in ay ka guuraan guryahooda oo ay ugu yaraan 300 mitir ka fogaadaan dhismayaasha la beegsaday.

Digniintan Israa'iil ayaa argagax ka dhaliyay xaafadaha koonfurta ku taalla, kaasoo ay ka dhaceen barakac ballaaran, sida uu sheegay xafiiska BBC-da ee Beirut.

Wakaaladda Wararka Qaranka Lubnaan ayaa sheegtay in ay diiwaangelisay ugu yaraan laba iyo toban weerar oo xagga cirka ah, oo laba ka mid ah ay ahaayeen "kuwa aad u xooggan," oo lala beegsaday dhismo ku yaalla degaanka Ain Qana ee duleedka koonfureed ee Beirut.

Warbixin kale oo ay soo saareen ciidamada ayaa lagu xaqiijiyay in ay bartilmaameedsadeen "goobaha dhulka hoostiisa ah ee lagu sameeyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo si ula kac ah loogu dhex qotay dadka rayidka ah" ee ku nool xaafadaha koonfurta, iyagoo xusay in Xisbullaah ay ka shaqaynayso "kordhinta wax soo saarka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee dagaalka , iyada oo u adeegsatay qayb udub dhexaad ah weeraradeeda argagixisada ee ka dhanka ah dawladda Israa'iil."

Arrintan waxay israa'iil u aragtaa "xadgudub qaawan" oo ku yimid heshiisyada u dhexeeya Israa'iil iyo Lubnaan.

Madaxweynaha Lubnaan Joseph Aoun ayaa khamiistii dhaleeceeyay waxa uu ku tilmaamay Israa'iil "xadgudub bareer ah" ee heshiiska xabbad joojinta, isagoo jeediyay"cambaarayn xooggan oo ku saabsan gardarrada Israa'iil", wuxuuna carrabka ku adkeeyay " in xadgudubkan qaawan ee heshiis caalami ah, iyo sidoo kale mabaadi'da aasaasiga ah ee sharciyada caalamiga ah iyo tan bini'aadantinimada aaney ahayn arrin loo dul qaadan karo.

Ra'iisul wasaare Nawaf Salam ayaa cambaareeyay weerarradaas, isagoo ugu baaqay beesha caalamka "inay qaataan mas'uuliyadda ka saaran ka hortagga Israa'iil inay sii waddo weerarradeeda ayna ka shaqeyso sidii ay ugu qasbi lahayd inay si buuxda uga baxdo dhulka ay haysato ee Lubnaan."

Dhankiisa, Isuduwaha Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Lubnaan ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa X, waxa uu ku xusay in duqaymahaasi "ay keeneen argagax iyo cabsi weyn" oo soo wajahday dadka rayidka ah, waxaanu ku baaqay in la joojiyo wax kasta oo wax u dhimi kara heshiiska.

Dabayaaqadii bishii November, waxa heshiis xabbad joojin ah dhex maray Israa'iil iyo Lubnaan, kaas oo dhigayay in Israa'iil ay ka baxdo koonfurta Lubnaan iyo in ciidammada Lubnaan ay qaataan mas'uuliyadda sugidda ammaanka aaggaas.

Heshiisku waxa kale oo uu dhigayaa in qodobadiisu "aanay Israa'iil iyo Lubnaan ka hor istaagin in ay xuquuqdooda dabiiciga ah ee is-difaaca ah sameeyaan, si waafaqsan sharciga caalamiga ah".

Israa'iil ayaa duqeymo cirka ah ka billowday Lubnaan iyada oo la beegsanaysa bartilmaameedyo ay ku sheegtay in ay xiriir la leeyihiin Xisbullah bilihii ka dambeeyay heshiiska.

Bishii Abril ee la soo dhaafay, Israa'iil waxay weerartay bakhaar ay ku sheegtay in Xisbullah ay ku keydasato "gantaallada sida saxda ah u bartilmaameedsada" ee isla xaafadda koonfureed.

Israa'iil waxay sidoo kale weerartay dhisme kale oo ay ku sheegtay in gantaallada lagu keydiyo .

Horaantii bishan, weerar kan la mid ah ayaa lagu dilay sarkaal ka tirsanaa Xisbullah iyo saddex qof oo kale, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Lubnaan.

Dowladda Lubnaan ayaa sheegtay in weerarradan oo ay weheliyaan joogitaanka askarta Israa'iil ee shan goobood oo ku yaalla koonfurta Lubnaan, ay ka dhigan yihiin jebinta heshiiskii ay labada dhinac kala saxiixdeen kal hore.