Daawo: Madaxweynaha Faransiiska ma xaaskiisaa dharbaaxday mise waa jaceyl uun?

Qoraalka Muuqaalka, Daawo: Markii Macron ay xaaskiisa gacnta uga riixday wejiga
Daawo: Madaxweynaha Faransiiska ma xaaskiisaa dharbaaxday mise waa jaceyl uun?

Muuqaal la soo duubay ayaa muujinaya xilliga Emmanuel Macron ay wejiga gacanta uga riixday xaaskiisa markii ay caga dhigteen Hanoi, Vietnam fiidnimadii Axadda.

Muuqaalkan, Brigitte Macron ayaan si weyn uga muuqan kaamirada, iyada oo gacmaheeda oo keliya ay ka muuqdaan marka ay riixayso Macron.

Madaxweynaha Faransiiska ayaa markii hore u muuqday mid naxay, laakiin si deg deg ah ayuu isu soo ururiyay oo uu ugu sgacan-haatiyay kamaradaha hoos yaallay.

Ilo laga helay Elysee ayay soo xigatay warbaahinta Faransiiska iyaga oo sheegay in waxa kaamiradu qabatay ay ahayd "daqiiqad uu madaxweynaha iyo xaaskiisa ay kaftamayeen kahor inta aan safarka la bilaabin" Macron wuxuu sheegay inay "kaftamayeen oo kaliya sida aan mar walba samayno".